October 24, 2014 | Posted by admin

Wasiirka arrimaha dibada iyo Maalgashiga dowladda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay soo kordhayaan wadamada iyo shirkadaha doonaya inay Soomaaliya maalgashi ku sameeyaan.

Dr. Beyle oo u warmiyay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa sheegay in dalalkii uu booqashada ku tagay ay u soo bandhigeen dalab ah inay Soomaaliya maalgashadaan.

“Adduunku waxa uu ka warqabaa in wadankani yahay mid leh kheyraad badda iyo berriba ah, in amnigii wadankani soo hagaagayo ayaa cid walba u muuqata, waxaad arkeysaa dalal fara badan oo daneynaya inay wadankan maalgashi ku sameeystaan”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dalal fara badan ay dib uga furteen Soomaaliya Safaaradahooda, isla markaana ay xigto in maalgashadaan, maadaama uu soo hagaagayo ammaanka dalka.

“Dalka waxaa ka jira fursado maalashi ah, wadamo iyo shirkado badan waxay u soo hanqal taagayaan inay Soomaaliya maalgashadaan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Beyle.

Shir looga hadlayay gaaska iyo shidaalka Soomaaliya oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada London ayaa qeybta ugu weyn ee shirkaas ahaa sidii Soomaaliya loo maalgashan lahaa, iyadoo shirkado badan ay soo bandhigeen damacooda ku aadan inay maalgashadana Soomaaliya.

COMMENTS
  1. more said:

    I just want to mention I am newbie to blogging and site-building and truly loved this web page. Very likely I’m going to bookmark your blog post . You really have impressive article content. Regards for sharing your website.