March 5, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ra’iisal-wasaare ku Xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdağ ayaa shaaciyay maalinta Talaadada ee bari ah in uu duulimaadkii ugu horreeyay ee Diyaarada Turkish Airlines uu ka bilaabmi doono Magaalalda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay Mr. Bozdağ in diyaarada toddobaadkii labo jeer ay ka sameen doonto duulimaad toos oo tagi doona caasimada Istambuul iyadoo sii mareysa caasimada Suudanta waqooyi ee Khartoum.Waa duulimaadkii ugu horreeyay ee diyaarad caalami ah ka samayso dalka Soomaaliya, tan iyo markii dagaallada sokeeye ay ka qarxeen.

Turkiga waxa uu kaalinta kowaad ka galay dalalkii ugu horeeyay ee gargaar keena Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay, markaas oo abaar iyo macluul ay ka dhacday Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Turkiga waxaa kaloo Magaalada Muqdisho uu ka hirgaliyay mashaariic waaweyn oo wax loogu qabtay dadkaas abaaraha ay xaalufiyeen.

Dowladda Turkiga waxa uu ka dhisay Muqdisho Isbitaal, Xarumo lagu quudiyo dadka ka soo barakacay abaaraha dalka sidoo kale waxa uu dhisay Iskuul ay wax ku bartaan caruurta oo ah mid ku baxa luuqada Turkiga.

Diyaaradda Turkish Airlines waxa uu dulimaadkeeda noqon doonaa maalmaha Talaadada iyo Khamiista, waxana ay kala tagi doontaa İstanbul halka Arbacada iyo Jimcaha ay immaandoonto Muqdisho.

Diyaaradah Turkish Airlines waxa ay hadda sameesaa 189-duulimaad oo ay ku jiraan 149 caalami ah iyo 40 gudaha dalkeeda waxa ay hadda ku soo biirisay Muqdisho taas oo tirada ka dhigeysa 190-duulimaad oo caalami ah.

Ra’iisal-wasaaraha Turkiga Rajip Tayip Ordogan ayaa bishii August ee sanadkii hore waxa uu horseed u noqday in uu Madaxda caalamka la tagi karo Magaalada Muqdisho oo ay dagaalo halakeeyeen.

Turkiga waxa uu bixiyay 365 Million oo Dollar taas oo loogu talagay arrimaha gargaarka.

Muqdisho-Soomaali

COMMENTS