April 27, 2014 | Posted by admin


Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho kaddib markii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ugu yeertay inay wax ka weydiiso xarigga ay ciidamada Kenya u geysteen qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad ayaa danjiraha kula kulmay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka weydiiyey xarigga qunsulka iyo sida uu u dhacay.
Danjire Ameeriko oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in socdaalkiisa Muqdisho uu la xiriiro sidii uu uga warbixin lahaa tacaddiga qunsulka safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Kenya loogu geystay Nairobi, uuna ka warbixiyey.
Danjiraha ayaa intaas ku daray inuu aad uga xun yahay sida loola dhaqmay dibloomaasiga.
Ameeriko ayaa xusay in goleyaasha xukuumadda iyo baarlamaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka hadleen arrinta, iyagoo u maray waddo wanaagsan.

COMMENTS