December 20, 2014 | Posted by admin

Xarunta Machadka Qorsheynta ee wadamada carabta ee Dalkan Kuwait ayaa waxaa lagu qabtey xaflad soo dhaweyn ah oo lagu maamuusayay ka mid noqashada Machadka ay xubin buuxda uga noqotay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Qorsheynta Carabta oo Xaruntiisa tahay Caasimadda Dalka Kuwait.

Munaasabadaas oo Dhanka Soomaaliya uga qayb galay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Danjire C/qaadir Amiin Sheekh iyo Diplumaasiyiinta Safaaradda, iyadoo dhanka Dowladda Kuwait uga soo qayb galeen Xafladaas Wasiirada Shaqada iyo Qorsheynta iyo Horumarinta Dalka Kuwait iyo Madax kale oo ka socotay Dalka Kuwait.
553x427x715.jpg.pagespeed.ic.bUtvPYhLdO

Dib u soo celinta xubinmadda Soomaaliya ee machadkan ayaa waxaa dadaal dheer oo waqti badan qaatey u galayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait ahna Hormuudka Safiirada Wadamada Carabta u fadhiya Kuwait Amb.C/qaadir Amiin Sheekh.
Amb.C/qaadir oo ka hadley madasha Xaflada ayaa u mahadceliyey madaxda machadkan iyo dowlada kuwait sida ay mar walaba Soomaaliya isku garab istaagaan wuxuuna sheegay in aad ugu faraxsanyihiin in ay Soomaaliya xubin buuxdo ka noqoto Machadkan oo qeyb weyn ka ah isku xirka iyo iskaashiga wadamadda carabta.

Machadkan ayaa wadammada carabta ka taageera dhanka tababaradda shaaqalaha iyo soo saarista hawlwadeeno hawlkar ah.

Safiir Cabdulqaadir oo ka hadlaya arrinkaas ayaa yiri “waxaan aad u rajeyneynaa in uu machadkan qeyb lixaad ah ka qaato kaalintiisa kaga aadan horumarinta shaqaalaha Dowlada Soomaaliya waxaana sugeynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo bilaabo tababaradaas”

Waxaa xusid mudan in sidoo kale Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabouti ay ku soo biirtey machadkan.

Machadka Qorsheynta Carabta ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii markuu ahaa 1980, waxa uuna ka shaqeeyaa ka taageeridda Wadamada Carabta dhanka Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Arrimaha Bulshada.

COMMENTS