July 5, 2014 | Posted by admin


Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumada Soomaaliya Saciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa sheegay in dhawaan Magaalada Muqdisho la keeni doono Qalab Casri ah oo ay ugu talo galeen inay ku hourmariyaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Wasirka waxa uu sheegay in qalabkaasi laga keeni doono Dalka Talyaaniga waxa uuna sidoo kale sheegay dhawaan Dowlada Soomaaliya ay qorsheyneyso inay la soo wareegto Maamulka Hawada ee Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay ula soo wareegi lahayd Maamulka Hawada ee Soomaaliya inkastoo Maamulka Somaliland ay sheegeen in aysan aqbali doonin in Hawada Soomaaliya laga Maamula Magaalada Muqdisho.

COMMENTS