September 24, 2013 | Posted by admin

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay ruux lala xiriirinayo inuu ka dambeeyo dilkii loo geystay maalin kahor Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka Xildhibaanka lagu tuhmay labo ruux oo lala xiriiray, mid kamid ah ayaa ciidanka Dowladda ay ku guuleesteen in gacanta lagu soo dhigo.

Wasiirka ayaa sheegay in ruuxa kale ay ciidanka Dowladda ku daba jiraan, rajadana ay tahay in gacanta lagu soo dhigo si sharciga loo waafajiyo.

Ruuxa hada loosoo qabtay dilka Xildhibaan Xuseen Cabdislaam ayaa wuxuu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga in baaritaan uu ku socdo oo laamaha ammaanka dalka ay gacanta ku hayaan.

Xildhibaanka la toogtay ayaa maalin kahor lagu dilay Magaalada Muqdisho, kadib markii rag hubaysan ay rasaas la dhaceen.

COMMENTS