December 9, 2012 | Posted by admin

Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya C/kaxiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey shalay markii ay ku soo laabteen magaalada Muqdisho heshiiskii dhinaca mileteriga ahaa ee ay la soo saxiixdeen dowladda Turkiga, wuxuuna sheegay inay heshiis ku soo gaareen waxyaabo badan.

“Heshiika aanu galanay annaga iyo Turkigu waa heshiis taariikhiya, waana heshiis meletari oo oo dhexmaray labada dal, wuxuuna dhigayaa horumarinta iyo qalabeynta ciidmada qalabka-sida ee Soomaaliya, markaa heshiiskaasi waa heshiis dhaqaale ku saabsan oo dan weyn ugu jirto dalka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo intaasi ku daray “Heshiikani waxa uu dhaqangelayaa marka ay Baarlamaanada ee labada dal ay ogaaladaan, anigu dhawaan ayaan horgeynayaa Baarlamaanka Soomaaliya isagoo faahfaahsan ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya  dhanka kale sheegay in Turkigu balanqaaday inuu dhaqaale ku taageero ciidanka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga waxa uu sheegay inuu jiray heshiis kan ka horeeyay oo ay saxiixday safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ku taala, kaas oo dhigayey in tababaro la siiyo ciidamada Soomaaliya, isla markaasna askarta laga qaado Soomaaliya galaana kulliyadaha dagaalka iyo kuwa caafimaadka ee dalka Turkiga si ay wax u soo bartaan.

“Si ay u suuragasho dhawaan waxaan qaadaneynaa arday dugsiyada sare ka soo baxday, waxaana u kala diri doonaa dalalka Masar iyo Turkiga si ay u soo bartaan caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee ciidanku u baahanyahay” ayuu yiri wasiir Fiqi oo intaasi ku daray in dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada oo isugu jira dhulka, badda iyo cirka la howlgelin doono, mar uu arrimahaasi ka hadlayeyna waxa uu yiri “Waxaan dagaal kula jirnaa kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ee nabadda diidan iyo kooxaha burcad badeeda, dhammmaana ciidamada waa lagama maarmaan in la helo dowladda Turkiga waxaan kaloo ka codsanay inay gacan naga siiso sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, waxayna noo sheegtay inay nagala shaqeyn doonto sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya”.

COMMENTS