July 23, 2014 | Posted by admin

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa si kulul looga hadlay Duqeynta xoogan ee Yuhuuda ay kawado Gaza, taasi oo ay ku laysay dad badan oo Muslimiin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu Waxa ay si adag u cambaareyneysaa duulaanka lagu qaaday dadka ku nool Gaza ee go’doonsan, iyo beegsashada rayidka aan waxba galabsan , taasoo ah wax ka hor’imaanaya qiimaha bani’aadanimada,dhaqamada iyo qawaaniinta caalamiga.

Waxaan ka codsaneynaa Israel inay si dhaqsiya leh ku joojiso dagaalkeeda iyo duqeynteeda daran ee ay ku qaaday shacabka Falastiin, waxaanu ku dhawaaqeynaa inaan la bah nahay Maamulka iyo Shacabka Falastiin, iyo inaan taageersannahay hindisaha ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar 14 July si xabadda loo joojiyo.

Waxaanu ugu baaqeynaa dhammaan dadka xorta ah ee caalamka inay sii ambaqaadaan dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo cadaawadda , laguna badbaadinayo nafta dadka aan waxba galabsan ee ka midka yihiin caruurta,haweenka iyo dadka da’da ah ee ku nool Marinka Gaza, iyo in la diyaariyo jawi u qalma oo lagu joogteynayo degganaanshaha iyo wadaxaajoodka nabadda iyo nabad ku wada noolaanshaha.

COMMENTS