June 25, 2015 | Posted by admin

Dowladda Somaliya, ayaa waxay cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ee Arbacadii shalay Magaalada Muqdisho lagula beegsaday kolonyadii ay la socdeen Saraakiisha Emirate-ka Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa fal argagaxiso iyo fuleynimo ay ku dheehan tahay, isla-markaana aanu qalqal-gelin doonin kalsoonida.

“Waxaan cadeyneynaa in falkaasi dambiga ah oo loo adeegsaday gaari miineysan laguna beegsaday kolonyada xilli ay mareysay Fagaaraha Qaranka Tarabuunka, uu ahaa fal fuleynimo oo argagaxiso ah, marna ma qalqalin doono kalsoonideena.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray argagaxisada iyo aragtiyada lunsan, isagoona hoosta ka xariiqay inaanu hakan doonin qariirada tubta nabadda.

“Waxaanu qaadi doonnaa tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah argagaxisada iyo aragtiyada lunsan, ma hakan doono geedi socodka nabadda iyo dib u heshiisiinta, iskaba daa ma hakan doono go’aankeena dabargoynta argagaxisada.” Ayuu yiri Wasiirka.

Waxa uu intaa ku daray “Waxaanu xoojin doonnaa go’aankeena aan iskaashiga si adag ula samayneyno saaxiibadeena caalamiga ah oo ay ku jirto Dowladda Isutagga Emirate-ka Carabta iyo Dowladaha kale.”

Wasiir Maareeye, ayaa hadalkan wuxuu ku sheegay qoraal laga soo saaray Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho. Wuxuuna ku soo beegmayaa, xilli Shabaabku ay ku hanjabeen inay sii wadi doonaan weerarada ka dhan ah Emirate-ka.

COMMENTS