December 3, 2012 | Posted by admin

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta deegaanka Buulo Xaawo oo 15 kiilo mitir u jira degmada Bardaale ee gobolka Baay

Afar ruux oo uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyada al-Shabaab ee halkaasi ku sugnayd, iyadoo saddex qofna la soo warinayo inay dhaawacantay.
Aadan Cali Ibraahim oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Bar-kulan u sheegay in horjoogaha geeriyooday, oo la oran jiray Maxamed Xaaji Fugoow, uu ahaa taliyihii saldhigga degmada Bardaale ee dowladdii madaxweynihii geeriyooday Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Baay ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka uu ahaa sidii deegaanka looga saari lahaa maleeshiyada al-Shabaab oo weerarro ay ka soo abaabulaan halkaasi ku soo qaadi jiray degmada Bardaale.
Hal askari ayaa weerarka kaga dhaawacmay dowladda sida ay saraakiishu sheegayaan.

COMMENTS