July 27, 2014 | Posted by admin

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya, ayaa waxay isku raaceen in la soo koobo Safaaradaha ay maanta Soomaaliya ku lee dahay dalalka dibadda, iyadoo laga duulaayo tayaaynta Safaaradaha iyo Basaboorka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo shir gudoominaayay kulan gaar ah, oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada, ayaa waxay isku raaceen in 31 Safaaradood lagu soo koobo, Safaaradaha ay Soomaaliya ku lee dahay dunida.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh, oo Saxaafada la hadlay ka dib kulankaan gaarka ah, ayaa waxa uu kaga waramay waxa keenay in la soo yareeyo Safaaradaha. Wuxuuna ku sheegay mid ka dhalatay dhaqaalo daro jirto awadeed.

Wuxuu kaloo sheegay in Golaha Wasiiradu ay garowsadeen in dib u habayn lagu sameeyo Safaaradaha, si loo horumariyo basaboorka Soomaaliga, oo aan lagu taggi karin inta badan dalalka Caalamka.

Tallaabadaan, ayaa wuxuu ku macneeyay mid ka mid ah tallaabooyinka ay Dowladda Federalka ku talla gashay inay qaado, ee ku aadan tayaayn iyo dib u habayn lagu sameeyo Shaqaalaha Dowladda iyo Wasaaradaha.

COMMENTS