January 31, 2013 | Posted by admin

Dowladda Federaal-ka Soomaaliya ayaa sheegtay inay abaal-marin lacageed oo gaaraysa 5,000 oo doollar ay siinayso cid kasta oo bixisa xog looga hortagayo weerarro, qaraxyo iyo falal ugaarsi ah oo la qorshaynayo in shacabka ama mas’uuliyiinta dowladda lagu dhibaateeyo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta abaal-marin lacageed iyo shahaadooyin guddoonsiinayay laba askari oo ka tirsan ciidamada nabad-sugidda ayaa sheegay inay xafidayaan xogta qofka soo gudbiya warbixinnada amniga lagu sugayo.

Wasiirka ayaa shahaadooyin iyo lacag min shan boqol oo doollar ah guddoonsiiyay Cabdisamad Xasan Jaamac iyo Xasan Cabdulle Maxamuud oo ka tirsan ciidamada nabad-sugidda qaranka, isla markaana shalay fashiliyay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo faahfaahin ka bixiyay ninkii shalay is qarxiyay ayaa sheegay inuu horay uga tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab, dhowaanna uu iso soo dhiibay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inuu damacsanaa inuu dhibaato xooggan u gaysto hoggaanka sare ee ciidamada nabad-sugidda Soomaaliyeed.

Nin magaciisa lagu sheegay Cali Cabdixareed Maalin ayaa shalay isku qarxiyay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana qaraxaas ku dhintay askari ka tirsanaa ciidamada nabas-sugidda qaranka.

COMMENTS
  1. AM TESTE said:

    asc wa teste waye oo joog wadanka ingiriiska waxa ka raba dowl somaliy in sii so shaqo wakan num 0044 79 602 10 704/ pleas dowl sharfiita leh pleas and pleas teste shaqo doon aha dowld somaliy