November 25, 2014 | Posted by admin

Jamhuuriyada islaamiga ah ee Iraan ayaa shaaca ka qaaday inay garan taagan tahay dowladda uu khilafka ka dhaxeeya ee Soomaaliya.

Qar ka mid ah dalalka taageeri jiray Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay khilafka ka dhaxeeya mas’uuliyinta dowladda,waxaana qaarkood ay hakad galiyeen taageeradii Soomaalita,

Afhayeenka Barlamaanka dalka Iran Ali Larajani ayaa sheegay in Soomaaliyeed ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan ay ka mid yihiin tababaro la siiyo Shaqaalaha.

“Iran waxa ay ka taageeri kartaa Somaliya arimo ay ka mid-yihiin tababaridda shaqaalaha si xirfadeysan iyo waliba mid farsamo “ayuu yiri Larajani oo ka hadlayay sida ay u doonayaan in Soomaaliya ay caawiyaan.

Waxaa masuulkan uu ku celiyay sida dowladda Iran ay uga go’antahay in ay xiriir Diblumaasi oo dhow la yealato dowladda Somaaliya ,waxaana jiray mashaariic dhowr jeer oo hore laga hirgaliyay gudaha Muqdisho oo dowladda Iiraan ay ka hirgalisay.

“Diyaar ayey tahay Iran in ay Soomaaliya kala shaqeyso sidii looga hortagi lahaa kooxaha burcad-badeeda caalamiga ah “ayuu hadalkiisa ku daray Larjani oo dowladda hadda jirta ku amaanay dadaallada laga sameeyay dhinaca amniga.

Kadib booqasho dhawan uu ku tagay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari dalka Iran ayaa Labada Baarlamaan waxay kala saxiixdeen ku aadan sidii wada shaqeyn buuxda u dhex mari lahayd Baarlamaanada Soomaaliya iyo Iran.

COMMENTS
  1. Robert, they vary. It’s up for the authors. Many from the letters coming up are handwritten, or hand-notated, it’s about half and half. Though most with the first letters were typed. The fourth letter was a comic.