April 15, 2014 | Posted by admin

Dadaalka lugu doonayo in lugu wanaajiyo xiriirka dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliyed ee Puntland ayaa xilligaan la sheegaya inuu meel wanagsan marayo,waxaana dhawaan booqanaya Puntland madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,sidaa waxaa xaqiijinaya wararka ay Duhur Online helayso.

Xilli dhow waxaa la sheegay inay tagi doonan magaalada caasumada ah ee Garoowe wafti ka socda dowladda dhexe ee dalka,kuwaaso wasiirro u badan,waxaana ay hor-dhac u yihiin socdalka uu Puntland ku tagayo maaxweyne Xassan Sheekh.

Raxanreeb,ayaa helaysa in waftiga ka imaanaya dowladda Soomaaliya inuu hoggaamin doonno ninka ay sida aadka ah isgu dhowyihiin madaxweynaha Soomaaliya ee xilligaan ah wasiirka madaxtooyada iyo cadaaladda Faarax Cabdulqaadir, waxaana wahelin doonna wasiirro uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladdaa federalka Soomaaliya mudane C/llaahi Goodax Barre iyo rag kale oo aad isugu dhow Madaxweyne Xassan.

Sida la sheegay waftigaan waxaa ay Puntland tagi doonan maalmaha ina soo aadan, ujeedkooda tagi taanna waxaa lugu sifiiyey inuu yahay mid ay ku doonayan sidii ay ugu go-gol xaari lahaayeen booqashada madaxweyne Xassan uu ku tagayo Puntland, kaaso la sheegay xilli dhow inuu tagi doonno Garoowe.

Saraakil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia,waxaa ay sheegen in dhammaadka bishaan an ku guda jirno ee April magaalada Garoowe inuu booqon doonno madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana uu halka kula shiri doonna madaxda dowladda Puntland oo u ugu horeeyo madaxwryne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Docda kale,war bixinadan horudhaca ah oo soo gaaraya xafiiska Raxanreeb Online waxaa ay sheegayan in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka caawinaysa Puntland sida ay u maarayn laheed bixinta mushaaraadka shaqaalaaha dowladda oo ay ku jiraan ciidamada Puntland.

Sidoo kale,waxaa magaalada Garoowe lugu qaban doonna shir weyne la xiriira taaba galida nidaamka federaalka kasoo Soomaalida ku heeshiisay oo ay dowlada Fedraalka ay maamuli doonto.

Muranka ka dhexjira Puntland iyo dowladda faderaalka Soomaaliya waxaa uu bilowday kaddib markii madaxweynihi hore ee Puntland Dr Faroole uu dowladda dhexe sheegay inay u jaray xiriirka ay la lahaayen,waxuuna tallaabada sababuu uga dhigay inay dowladdu bal-martay hanaanka lugu heshiiyey ee faderaalka halka uu sheegay in wax ka badal lugu sameeyey dastuurka qabyada ah ee dalka u yaalla.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xilligaan ah madaxweynaha Puntland,waxaa xusid mudan inuu qeyb ka ahaa xubnihi hirgaliyey dastuurka dalka xilligaan haga ee sida KMG ah u shaqeeya,waxaana uu door fir fircon uu ku laha qorsha lugu doonayo in dalka looga hirgaliyo nidamka faderaalka,taaso sahlaysa inuu waxbada ka ogyahay arrimaha ay isku diidanaayen dowladda faderaalka iyo xukuumaddi ka horaysey ee Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli waxaa uu dhawaan uu ku dhawaaqay inaysan jirin sabab diideysa wada-hadal u furma Puntland iyo dowladda dhexe,waxuuna hadalka qaboojiyey xiisadii labada dhinac ka dhaxeysay.

Booqashada la filayo madaxweynaha Soomaaliya inuu ku yimaado Puntland,waxaa ay ka dhigaysa tii ugu horreeysay ee ku tago Garoowe tan iyo markii uu soo baxay khilaafka ka dhaxeya,halka xilligaan dowlad cusub ay ka jirto Puntland.

COMMENTS