August 23, 2014 | Posted by admin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii dhawaan kasoo baxay Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaasi oo ku aadan inay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Soomaaliya.

Warqoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay marwaliba diyaar u tahay in wadahadal lagu dhameeyo wixii tabasho ah.

“Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waa dowlad aaminsan in kala duwanaanshaha lagu xaliyo mabda’a ah wadatashi iyo wadaxaajood”

“Ayadoo laga amba qaadayo ayaa dowladu waxaa ay soo dhaweynaysaa wada hadalka ay ku baaday dowlad goboleedka Puntland si looga gaaro wixii tabosho ah is faham waa ah ee jira” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay cadaynaysaa in ay diyaar u tahay in wada hadalkaasi la galo xili iyo goor kasta ayadoo wixii farqi ah ee jira aan dhexdeyna xalisano.

Dowladu waxay qiraysaa in dowlada goboleedka Puntland ay ahmiyada weyn ugu fadhiso dowlada dhexe ee Soomaaliya waxayna dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya garowsantahay mas’uuliyada ka saran sare u qaadida xasiloonida,horumarka, iyo degnaanshaha deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

COMMENTS
  1. Eerible Faranfar said:

    Reer Puntland, iyaga uun baa ku waashay ‘FEDERAALEEY, FEDERAALEY,’
    .

    Hadda oo gobollada dhexe loo dhisayo Maamul Federaali ah, maxay u dhibsanayaan?!

    Maskax yare, mallay xadhig ku dabe, murama naagoodle,

    Macaan iyo qadhaadh aan is-geyn, meel sugu geeye,

    Maseyii hooyadii lagu furiyo, gabay Majeerteenle,

    Mabda’ iyo ujeeddaduu lahaa, muujin kari waaye,

    Micnahaad ujeeddana dadkii, maandhow garan waye,

    Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershay,

    DAD BAY MEELI BUKTRAA, BUKTAA, DAD BAY MEELI BUKTAA!

    SOOMAALI OO IDILBA, WAY idin BARATAY.

    Qaran baa kla dhisayaa ee meesha ciidan Amxaaro Muqdisho lagu soo hoggaamin maayo,

    sidii Khaainul waddankii Cabdullahi Yuusuf ahaa.

    Hawl dawladnimo ayaa socota ee meesha Balamballe Amxaaro loo gacan gelinmaayo?

    Sharaftii dalka ayaa la soo celinayaa ee meesha Kismaayo iyo badda Soomaaliyeed
    loogama iibinaayo Kenya.

    Dhul iyo bad cadawga laga iibiyo moogiye, maxaa meherad kale u diiday Maxamuud
    Saleebaan?

    Diinta Islaamka waxaa ka baxday, cayna ugu dartay dhilo ah Ayaan Xirsi.

    Cabdullaahi Yuusuf Amxaaro ayuu keenay Balambale.

    Mar kale, Amxaaro ayuu ku soo hogaamiyay caasimaddii dalka ee Muqdisha.

    Ayaan Xirsi waxay hunguri ka doontay inay ka baxdo diinta Islaamka oo ay weliba aflagaaddeyso diinta. Waa Cismaan Maxamuud.

    Cabdullaahi Yuusuf waa Cumar Maxamuud.

    Taariikhdu waxay qoreysaa in boqorkii Majeeteen ee Cimaan Maxamuud uu dalka
    ka iibiyay gumeysigii Talyaaniga, isagoo haddana khiyaanay Maxamad Cabduule Xasan
    oo dagaal diini ah iyo weliba xorriyad-doon ah kula jiray Ingiriiska iyo Amxaarada
    iyo Talyaaniga.

    Boqorka , Ayaan Xirsi iyo Cabdullaahi Yuusuf, maxay ka siman yihiin oo ay wadasagaan?

    WAXAY KA SIMMAN YIHIIN oo ay wadaagaan, INAY DHAMMAANTOOD YIHIIN MAXAMUUD SALEEBAAN.

    Kuwiinna dadkaas la ehel ah, ka soo jawaaba sababta aad shaqo uga dhigateen
    dalka oo Amxaaro iyo Kenya iyo Talyaani laga gado?

    Ka soo jawaaba sababta aad u gadataan diinta Islaamka.

    Dawladdan Federaalka ah waxaad uga horjeedaan waa laba:
    A. JAGADII RAIISULWASAARAHA OO AY IDINKA QADISAY LABA JEER.
    B. Kuwa aad qabbaanka u tihii oo ah Xabashi iyo Kenyaatiga oo idin amraya inaad
    Dawladda Federaalka ku furtaan tashwiish, si aanay u cago dhigan.

    Maxaa jago la idiin dhiibaa: dalkiiba waa idiin iib e!!!

    ILAAH BAA ARSAAQDA BIXIYEE, WADDAN LA IIBIYO IYO RUFIYAANNIMO SHISHEEYE MOOYEE, MAXAA MEHERAD KALE U DIIDAY MAXAMUUD SALEEBAAN?

    Sow ma ogidiin dalka iyo baddiisaba in aad wax ku leedihiin? hunguri-si-xun-ku-raadis-yohow
    bakhtiyay.

    Ummadda Soomaaliyeed oo idinla yaabban sow ma aragtaan?

    In la isku kiin wada tilmaamay, sow ma aragtaan?

    Yaxyax iyo sarriig ma leedihiin, mise gawrac baad sugeysaan??