October 23, 2014 | Posted by admin

Madaxweynaha Maamulka Khaatuma, Cali khaliif Galeyr ayaa laga masaafuriyey magaalada Addis Ababa oo uu dhowaan u tagay shir ku saabsan federaalka, kadib markii Dowladda Itoobiya ay u sheegtay inuu dalkeeda ka baxo.
Wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay ku amartay Cali Khaliif Galeyr in dalkeeda uu isaga baxo sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo aan la ogeyn ficilkaasi lagula dhaqmay sida uu ku yimid iyo sababta dhalisay intaba.
Hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ka gudbiyen ashtako, una arkay caqabad soo wajahday maamuladooda.
Dadka qaar ayaa rumeysan in Ethiopia ay u dhego nuglaatay labadaas maamul, ayada oo u aragta kuwa si aad ah ugala shaqeynaya rabitaankeeda ah in midnimada laga ilaaliyo Somalia.
Somaliland ayaa horay dagaallo ula gashay maamulka uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galeyr ee Khaatumo, oo loogu doortay deegaanka Saax-dheer Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo xiligii doorashadaasi ay dhaceysay Somaliland weerar ku qaaday.
Wixii kusoo kordha wararkaani dib ayaa idinkugu soo faah faahin doonaa wararkeena danbe, hadduu alle idmo

COMMENTS
  1. hfcd.pl/ said:

    Check our store.

  2. tandblekning said:

    Have you ever thought about publishing an e-book or guest authoring on other blogs? I have a blog based upon on the same topics you discuss and would love to have you share some stories/information. I know my readers would appreciate your work. If you are even remotely interested, feel free to shoot me an email.

  3. I simply want to tell you I am just a starter to running a blog and site-building and definitely I like this site. Probably I am going to bookmark your blog post . You actually should have bring impressive posts and reviews. Thanks for sharing your blog.

  4. It’s near impossible to encounter well-advised individual on this niche, yet somehow you appear like you understand what exactly you’re indicating! Thanks A Lot