July 25, 2014 | Posted by admin

Toronto- Lacag la sheegay in wax loogu qabanayo carruurta Soomaalida ayaa waxaa ay dowladda Canada sheegtay inay siinayso hay’adda daryeelka caruurta Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNICEF.

Cadadka lacagtan ayaa lugu sheegay inay gaarayso 5 million oo dollar oo ay dowladda Canada sheegtay inay ugu talo gashay in Soomaaliya loogu gar gaaro.

Warkan waxaa uu ka soo baxay wasiirka hormarinta caalamiga ah ee dalka Canada,Christian Paradis waxuuna sheegay in xukuumadiisa ay ku taagerayso Soomaaliya lacag dhan 5 millon oo dollar oo loo sii marsiin doonno hay’adda UNICEF si wax loogu qabto carruurta Soomaaliyeed.

“Lacagteena waxaa ay jawaab u tahay baaqa ka soo baxaya hay’adaha samafalka ee ku aadan in Soomaaliya ay kusoo wajahantahay abaaro,taas badalkeeda loo bahan-yahay dhaqaalo looga hortago macaluusha la soo daristay carruurta Soomaaliya,”ayuu yiri Christian Paradis oo ah wasiirka hormarinta caalamiga ah ee dalka Canada.

Sidoo kale,wax ugu qabashada carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ayadoo laga saacadiyo adeegyo ay ka mid yihiin caafimaad, waxbarashada iyo nafaqeynta ayaa loo adeegsan doonaa deeqdaan dawlada Canada bixisay.

Deeqda lacaged ee dowladda Canada waxaa ay ku soo aadaysa xilli muddooyinkii danbe warbixino ka soo baxayey hay’adaha samafalka ee Soomaaliya ka howlgalla ay dalbanayeen taageero dhaqaale,si wax looga qabto baahida ka jirta dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in gobollada koonfurta dalka qaar kod ay ka jirto abaaro,taas oo ay ku sheegen in loobahan-yahay si deg deg ah in wax looga qabto.

COMMENTS