January 4, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Somalida ku nool xiryaha qaxootiga Kenya ee Dhadhaab ayaa waxaa laga soo sheegayaa in dhalanyarada xiryahaasi la askareeyo sida lagu qoray wargeys-ka Daily Nation ee magalada Nairobi kasoo baxa.

Warka Dialy Nation lagu soo qoray waxa ay sheegayan in mucaaradka dalka Uganda ay Somalida qaxootiga ku ah Dhadhaab askareenayan si ay ula dagaalaman xukuumada Yuweri Musaveni.

Uganda ayaa sheegtay in mucaaradka dalkooda ay xiryaha qaxootiga Kenya ka wadaan olole lagu askareenayo dhalanyarada Somalida ah ee halkaas ku nool.

Afhayeen u hadlay waaxda warfaafinta dowlada dalka Uganda ayaa tibaaxay in dowladda Kenya ay ka codsanayaan in si wanagsan loo baaro wararkan ay heshay Uganda oo sheegaya in dhalanyarada Somalida ee Dhadhaab ku jira la askareeyo.

Hadaba Kenya ayaa si dag dag ah uga jawabtay amuurta Wargeys-ya Afrika isla dhexmarayaan, waxa ayna dowlada Kenya sheegtay in waxba ay kala socon arimahan qeexaya in mucaaradka Dowlada Uganda askareyn ka wado Dhadhaab.

Kaaliyaha Wasiirka amniga iyo gudaha Kenya ayaa sheegay in in Kenya aysan waxba kala socon wararkaasi, hase ahaatee buu yiri Dhawaan ayaan si dhow arimahaas ugu soo xaqiijin doonnaa.

Orwa Ojede oo ah kaaliyaha Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Kenya oo la hadlayay wargeys-ka Daily Nation ayaa waxa uu wacad ku maray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo tix galin doono codsiyada xukuumada Kampala ka imanaya, isagoo inaasi ku daray Mr Orwa Ojede in laamaha sirdoonka ay u diri doonan Dhadhaab si loo xaqiijiyo askareynta socota.

Mucaaradka Uganda waxa uu dagaalo kulul kula jiraa dowlada dalkaasi, waxa uuna taageera buuxda ka heystaa qoomiyado badan oo AFRIKA ku yaal habada ugu badnaadeen dadweynaha Uganda.

Warkan lagu daabacay Dialay ayaa dhalanyaro badan oo Somali ah oo ku nool qaxootiga Kenya ay walaac xoogan ka muujiyen, maadaama beegsiga booliska Kenya uu badanayo.

COMMENTS