February 21, 2013 | Posted by admin

Dhawaan ayaa Dowlada Uganda safaarad ka furan doonta caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibada ee dowlada Uganda Henry Okello Oryem ayaa ku dhawaaqay in wakiilka cusub ee dowlada Uganda u fadhin doona Soomaaliya Prof Sam Turyamuhika uu gaari doono Muqdisho sida ugu dhaqsaha badan.

“Turyamuhika waxaa uu noqon doonaa ku xigeenkiisa Maj Gen Nathan Mugisha kaasoo hore u ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM ee dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Oryem.

Labadan sarkaal ayaa waxaa sanadkii hore loo magacabaay in ay wakiil uga noqdaan dalka Uganda arrimaha dalka Soomaaliya.

Ciidamo ka socda dalka Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee ka howlgala dalka Soomaaliya iyadoo ciidamo wadamo kale ka socda ay joogaan dalka Soomaaliya. Kumanaan Soomaali ah ayaa ku sugan dalka Uganda kuwaasoo isugu jira ganacsato iyo Qaxooti.

COMMENTS