February 17, 2013 | Posted by admin

Muqdisho– Dowlada Wadanka Turkiga ayaa sheegtay iney gacan buuxda ka geysan doonto dib u dhiska iyo tayaynta  ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kulan ay magaalada Muqdisho ku wada qaateen Saraakiil ka socotay wadanka Turjkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya  iyo madaxda wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidanka xooga  ayey Saraakiisha Turkigu  ballan qaadeen iney door wax ku ool ah ka qaadan doonaan dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo ka warbixiyey kulanka uu la yeeshay  Saraakiil ka socotay ciidamada qalabka sida ee Wadanka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in dalka Turkigu uu diyaar u yahay is garab taagida dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada xooga dalka Soomaaliya  ay xiligan ku hawlantahay dowlada cusub ee Soomaaliya.

Fiqi ayaa tilmaamay in wadanka Turkigu uu dhawaan u qaadi doono dalkaas ilaa 120 Dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo soo qaadan doona Layli Saraakiil iyo Saraakiil xigeen si ay uga mid noqdaan Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada xooga dalka ugana qeyb qaataan dib u soocelinta hanaankii iyo kala danbeyntii dalka Soomaaliya iyo ee lumay.

Booqashada ay Muqdisho ku yimaadeen Saraakiisha sar sare ee ciidamada dalka Turkiga ayaa daba socota socdaal uu dalkaas ku gaaray wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo heshiis kula soo gaaray magaalada Ankara dhigiisa dalkaas heshiiskaas oo u badnaa sidii Soomaaliya uu Turkigu uga taageeri lahaa dib u dhiska iyo taeynta ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

COMMENTS