August 17, 2017 | Posted by admin

Dowladda Sweden ayaa ciidamo loogu talagalay in ay lagula dagaallamo Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida waxa ay usoo dirtay Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa kasoo baxay Magaalada Gothenburg, ee dalka Sweden, waxaana maalmaha soo socda ay soo gaari doonaan Xeebaha Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Yurub ee lagu dagaallamo Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay  wataan Ciidamadaan diyaarado ah kuwa Qumaatiga u kaca iyo sidoo kale Maraakiib dagaal.

“ Waxaa ugu horeeya ayaa ah inaan kor kala socono Cuntooyinka Gargaarka ah ee Soomaaliya lasoo diraayo in aysan waxyeeleyn Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ,waxaana sidoo kale Xeebaha Soomaaliya aan u tageynaa inaan Xoojino la dagaalka Kooxaha Burcadbadeeda “ayuu yiri Major Thomas Olsson, oo ah taliyaha Ciidamada Sweden ee Xeebaha Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay soo cusboonaatay Qatarta Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay ka waddaan Xeebaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan Sanadkaan.

Kooxaha Burcadbadeeda ayaa geystay dhowr Weerar sanadkaan gudihiisa,waxaana taasi ay cabsi ku abuurtay Maraakiibta Ganacsiga

COMMENTS