July 18, 2014 | Posted by admin


Wasiirka arimaha dibada iyo dhiirigelinta maalgashiga caalamiga Dowlada Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Spain ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Soo dhaweyn ka dib,wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka warbixiyay natiijada safarkii uu ku tagay dalka Spain.

Mudane Beyle ayaa sheegay in kulamo muhiim ah uu lasoo qaataymas’uuliyiinta wadankaasi gaar ahaan wasiirka arimaha dibedda ee dalka Spain kaasoo ay ka hadleen iskaashiga iyo wax wada qabsiga 2da dowladood ee Soomaaliya iyo Spain.

Wasiirka arimaha dibada iyo dhiirigelinta maalgashiga caalamiga Dowlada Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay wadahadalo dheer kadib ay dowladda Sopain u ballan qaaday dalkeena inay ku caawiso lacag dhan 2 milion oo Euro taas oo lagu dhiirigelinayo dhalinta si aanay uga qeyb qaadan colaadaha kajira deegaanada qaar.

C/Raxmaan Beyle ayaa intii uu kusugnaa magalada Madrid ee xarunta dalka SPAIN waxaa uu booqday garoonka kooxda REALMADRID halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxda kooxda Realmadrid kulankaasi oo uu sheegay wasiirka arimaha dibedda dalkeena in looga hadlay sidii kooxda Realmadriid oo kamid ah kooxaha kubadda cagta ee aduunka ugu weyn ay dhalinyarada somaliayeed kaga caawin lahayd arimaha cayaaraha kala duwan si kor loogu qaado aqoontooda dhanka Sportga.

COMMENTS