July 14, 2015 | Posted by admin

Soohdinta_Badda_Soomaaliya_Kenya1-553x340
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , waxaa ay maanta Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, u gudbisay dacwad ka dhan ah Jamhuriyadda Kenya kuna saabsan soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya waxay Maxkamadda weydiisatay in ay cayinto soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta India oo ay ku jiraan biyaha dalka, aagga dhaqaale ee gaarka ah, geyi-qaaradeedka iyo geyi-qaaradeed wixii ka baxsan 200 oo nautical mayl.

Dacwadda waxaa gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, oo ay wahliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Waddamada Benalux iyo Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya u qaabbilsan dacwaddan, Muna Sharmaan, Qareenno iyo khubaro kale. Waxaa dacwadda guddoomay Diiwaanhayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay in kiiskeedu uu ku qotomo sharciyad culus, waxayna Maxkamadda ka sugeysaa go’aan caddaalad ah.

COMMENTS