November 11, 2017 | Posted by admin

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay cabsi amaan oo maalmihii la soo dhaafay ka tagneyd Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka aysan wax Cabsi ah ka jirin garoonka shaqadana ay sidii loogu talagalay ku socoto Duulimaadka ka baxa iyo kuwa ka soo dagana ay waqtigooda ku imaanayeen walina ay shaqada garoonka caadi ah ku socoto.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay amaanka Garoonka la isku haleyn karo oo aysan jirin wax cabsi ah wararka la baahiyayna aysan xaqiiqo aheyn.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegamaya Xilli maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka taagneyd cabsi laga qabo in garoonka la weeraro.

Sidoo kale hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya Xilli laga joojiyay Shaqada ku dhawaad 1,000 ka mid ah Shaqaalaha Garoonka oo u badnaa kuwa dhismaha iyo shaqaale dambe oo la qaatay kuwaas oo la fasaxay mudo dhowr maalmood ah.

Cabsida ugu wayn ee Ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa Keenay, Ka dib Markii Dhawaan Dowlada Maraykanka ay ugu Baaqday Muwaadiniinteeda in ay isaga soo baxaan Dalka, Sababa la xariira Amniga Dalka.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS