June 24, 2017 | Posted by admin

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Omar ayaa ka hadlay qorshaha la filaayo in dhawaan magaalada Muqdisho looga furo Saldhiga ay maamuli doonto dowlada Wadanka Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid ay horay uga wada hadleen dowladaha Somalia iyo Turkiga, maadaama Somalia ay baahi gaar ah u qabto Saldhig iyo Saraakiil u tababara ciidamada.

Waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay Saldhigaasi furi doonto dhawaan si ay uga anfacaan ciidamada dowlada ee tababarada dibadda loo qaadi jiray.

Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya Yusuf Garaad waxa uu ka gaabsaday xiliga rasmiga ah ee la furi doono Saldhiga, balse waxa uu qeexay in furitaanka Saldhiga uu noqon doono bilaha fooda nagu soo haya, waxa uuna hadalkaasi sheegay xili uu la hadlaayay Wakaalada wararka Turkiga.

Yusuf Garaad Omar, waxa uu tilmaamay in dowlada Turkiga ay kaalin mug leh ka qaadan doonto kobcinta ciidamada Qaranka si loo helo ciidamo tayo leh oo dhan waliba ka dhisan.

Dhawaan ayay aheed markii Dowlada Turkiga ay Shaacisay in ay Saldhig Milatei ka Furayso Soomaaliya, Kaas oo ugu Wayn Geeska Africa.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS