October 27, 2016 | Posted by admin

Wasiirka Gashaandhiga Xukuumada federalka ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ay qasab tahay in Ciidamo Soomaali ah la geeyo deegaanadii ay dhowan faarujiyeen Ciidamada Itoobiya

Wasiirla  oo la hadlayey Warbaahinta Dowlada  ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku tashtaan isla markaana ay garab istaagaan Dowlada Soomaaliya, isagoo  xusay in Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay buuxiso goobaha ay Ciidamada Itoobiya baneeyeen.

Wasiirka Gashaandhiga xukuumada federalka ah ee Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shacabka ka dalbaday  in ay la dagaalaamaan Alshabaab, isaga oo xusay dhibka ay kala kulmayaan shabaab marka ay ku hoos nool yihiin in uu aad uga yaraan doono haddii ay dhinac uga soo wada jeestaan oo ay iska difaacaan iyaga oo kaashanaaya Dowladooda.

 

Wasiirka Diini ayaa u mahadceliyey Dowlad kasta oo garab istaagtay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dhanka kale waxa uu wasiirka sheegay in aysan suura gal ahayn in amaanka dalka uu qof kale Wakiil ka noqdo.

COMMENTS