June 14, 2017 | Posted by admin

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 50 dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen, iyagoo ka faa’ideysanaya cafiskii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay.

Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in dhalinyarada ay bilaabeen inay isa soo dhiibaan labadii bilood ee u dambeysay.

“50 dhalinyaro oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxay ka faa’ideysteen cafiska uu Madaxweynaha Jamhuuriyada u fidiyay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii April ee sanadkan ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya, isla markaana uu cafis u fidiyay muddo 60 cisho gudahood.

Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku heysa xarun dhaqan celin ku taal magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal dhalinyaro oo horay uga soo goostay Al-Shabaab.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS