June 19, 2017 | Posted by admin

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasoo lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) , waxana howgalkan uu dhacay maanta oo Isniin ah.

Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda.

“Waxaa maanta qabanay C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga oo raaciyey.

Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda ay leeyihiin howlgalladan ayaa yiri “Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaan dalka ka wadnay howlgallo ballaaran oo lagu xasilinayo amniga caasimadda, waxana lagu guuleystay in laga hortago falal badan oo cadowgu maleegayeen”.

Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadlay jidadka xaafadaha dhex-dooda maray ee Caasimadda oo qeybo kamid ah la xiray, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dulqaad ay muujiyaan maadaama waxa laga shaqeynayo ay yihiin amni, una baahan yahay feejignaan dheeri ah.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa hambalyo u diray Ciidamadda Xasilinta Caasimadda, waxana uu ku bogaadiyey xoojinta guushan la gaaray.

COMMENTS