December 3, 2012 | Posted by admin

Muqdisho- Isgooska Ex-control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa laga qaaday isbaaradii ugu wayneed ay tiilay mudooyin badan isla markaana ay dhibaatooyin badan ay ku qabeen dadka shacab ah.

Maanta markii la qaaday isbaarooyinkii yaalay halkaasi waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan dowlada waxayna sheegeen in aanan loo baahnayn in la jabiyo amarkii madaxweynaha Soomaaliya eek u aadanayaa in la qaado isbaarooyinka.

Axmed yare oo ah afhayeenka ciidanka Ex-control oo halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa wuxuu sheegay in qaadista isbaarada ay ka dambeysay kadib howlgal ay halkaasi saaka waaberigii ay ka sameeyeen ciidanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay sargaalkaan xiligaan wixii ka danbeeya inaysan jirin wax isbaaro ah oo taala halkaasi oo gaadiidka looga qaadayo lacag sharci daro ah.

Nuur Xasan Maxamuud oo ah taliyaha ciidamada Dowladda ee Ex-control oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu asna sheegay in iyadoo la fulinayo amarka Madaxweynaha Soomaaliya la qaaday isbaaradii taalay Isgooska Ex-controol oo ahayd tii ugu wayneed.

25-Bishii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amar cad ku bixiyay in gabi ahaanba la qaado isbaarooyinka yaala Magaalada Muqdisho.

COMMENTS