May 20, 2017 | Posted by admin

Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u
fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee
shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda
Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee
Soomaaliya.
Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka
mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay
goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada
Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo
adkeeyay.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha
waxbarashada ayaa horay ugu heshiiyay in si
wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka mideysan.
Sidoo kale waxaa imtixaanka mideysan ee
Wasaaradda Waxbarashada qaadeyso ayaa ka
bilaabanaya qaar ka mid ah gobolada dalka ee
Soomaaliya Sida Galmudug , Koonfur Galbeed,
Jubbaland iyo Hirshabeelle.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii Saddexaad
qaadeysa imtixaan mideysan.

Amaanka Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyay waxaana la sugayaa amniga goobaha ay ka socdaan imtixaanaadka Dugsiyada Sare ee Gobalka Banadir.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS