October 12, 2016 | Posted by admin

Diblumaasiyiin reer Galbeed ah ayaa waxa ay sheegeen in hubka ay dowlada Soomaaliya dibadda ka keensato badankood lagu iibiyo suuqyo ku yaal magaalada Muqdisho.

Hubkan oo ay Qaramada Midoobay u fasaxday dowlada inay ku qalabayso ciidamada Soomaaliyeed ayaa la sheegay in inta u dhexeysa boqolkiiba 35illaa 40 hubka lagu iibiyo caasimada Muqdisho ay yihiin hubka loo fasaxay dowlada Soomaaliya inay keensan karto.

Labo diblumaasi oo reer galbeed ah oo diiday magacyadooda la soo xigto ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in sawiro laga qaaday hubkan oo badankood ah qoryaha fudfudud lagu kala iibsado magaalada Muqdisho gaar ahaan baabuur dushooda iyo guryo ku yaal Muqdisho.

Arrintan ayaa la sheegay inay xadgudub ku tahay cunaqabatayn ay Qaramada Midoobay qeyb ahaan ka qafiifisay dowlada Soomaaliya 2013. Qaramada Midoobay ayaa cunoqabatayn hubka ah ku soo rogtay dalka Soomaaliya kadib markii ay dhacday xukuumadii hore ee Maxamed Siyad Barre.

Wakaalada wararka Reuters ayaa sidoo kale ka soo xigatay sarkaal ay sheegtay inuu u qaabilsan yahay arrimaha siyaasada madaxtooyada Soomaaliya Aweys Xaji Yusuf inuu qirey in mararka qaar ay dhacdo in hub la leexsado balse aysan ahayn mid joogto ah.”Ma beeninayo in ay jirto in hub la leexsado balse ma aha mid si joogto ah u dhacda,”ayuu yiri Aweys Xaji Yusuf.

Hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan  kana jawaabto eedeymaha loo soo jeedinayo hubka ay u fasaxday dowlada Soomaaliya.

Labo hay’adood arrimahan si gaar ah ula socda ayaa u sheegay Reuters in tiro u dhexeysa 15,000 iyo 20,500 oo ah hub fudud ay dowlada Soomaaliya soo degsatay tan iyo sanadkii 2013.

Ha’yadahan oo arrimo amni awgeed u diiday in la magacaabo ayaa intaa  ku daray in lix kun oo ka mid ah hubkan aysan lahayn calaamado lagu garto oo tilmaamaya in ay yihiin hubkii sida kumeelgaarka ah loogu fasaxay dowlada Soomaaliya.

hub-1

COMMENTS