November 8, 2017 | Posted by admin

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa maanta ka hadlay qorshaha uu Taliska Midowga Afrika ku yareynayo Ciidanka Nabad Ilaalinta ee AMISOM, kadib hadal kooban oo uu siiyay BBC-da.

AMISOM ayaa Talaadadii sheegtay in kun Askari hoos loo dhimayo tirada Ciidanka AMISOM, iyada oo ay dalka ka bixi doonaan marka la gaaro 31-ka bisha December ee sanadkan.

Eng. Yariisow ayaa sheegay inay tani ku timid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay dagaalka kaga adkaatay Ururka Al-Shabaab, sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray in bilowga ka bixista AMISOM ee dalka ay muujineyso guulaha dagaalka looga gaaray Shabaab.

Wasiir Yariisow, ayaa qaba in la jooggo xilligii ay Soomaaliya la wareegi laheyd masuuliyadda amniga dalka, maadaama sida uu sheegay la diyaariyay ciidan hanan kara ammaanka dalka

COMMENTS