May 17, 2017 | Posted by admin

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo
Teknolojiyada ayaa shacabka Soomaaliyeed uga
digtay khatarta virus-ka ku sii fidaya adduunka.
Waxaana lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu
saameynta badnaa, iyadoo uu gaaray illaa 150
dal. Meelaha ugu dhow ee laga soo sheegay waa
dalka Kenya oo daris nala ah.
Weerarkan viruska ah wuxuu aalaaba ku faafaa
dhinaca email-ka, wuxuuna kaa xirayaa
kumbuyuutarkaaga, iyadoo lagu weydiisanayo
inaad bixiso lacag madax-furasho (ransom) si
laguugu furo.

 

Waxaa suurtogal ah in Soomaali badan ay ku
dhacaan dabinkan. Haddaba ka digtoonow
viruskan

COMMENTS