August 24, 2016 | Posted by daacad yare

Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya, C/Salaam Cumar Hadliye iyo dhiggiisa, waa Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka, Mr. John Kerry ayaa ku kulmay caasimada Nairobi Kenya.

John Kerry ayaa haatan booqasho ku maraya Afrika gaar ahaan Kenya iyo Nigeria. Hadliye ayaa ka mid ahaa waziiro badan oo dalalka Afrika kasoo jeeda oo asbuucaan la kulmay John Kerry.

Arimaha ay ka wada hadleen waziiradaa Hadliye kujiray ayaa waxaa ka mid ahaa xaalada Koofurta Suudaan iyo kala guurka siyaasada ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen sidii ammaanka gobolka loo adkeyn lahaa. Hadliye ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay saaxada caalamka Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la dardar galiyo soo kabashada Soomaaliya.

Arimha qaxootiga Dhadhaab ayaa sidoo kale laisla soo qaaday ayadoo hawlaha celinta qaxootiga dartood dawlada Mareykanku ballan qaaday boqolaal malyan oo doolar.

Mudane C/Salaam Cumar Hadliye wuxuu sheegay in qaxootiga Soomaaliya looga baahan yahay si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalka balse soo celintoodu noqoneyso sidii lagu ballamay ee ahayd in aan la qasbin ee iskood ay u laabtaan sidaana lagu caawiyo wixii doonaya inay Soomaaliya u laabtaan.

 

COMMENTS