September 15, 2017 | Posted by admin

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa joojisay diyaarad khaadka geyn jirtey magaalada Jowhar iyadoo khaadka shalay iyo maanta magaalada Jowhar laga qaaday magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka  Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Diiriye Khaliif oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtada Abuukar Maxmed Daahiye iyo Agaasimaha guud C/llaahi Xayir Ducaale ayaa la kulmay ganacsatada qaadka soo degsata,si ay u hubiyaan dhaqangalka go’aanadaasi,oo ujeedkiisu ahaa xalka gaarista murano iyo khilaaf ka dhex jira.

Maxamed Diiriye Khaliif Wasiirk ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa warbaahinta uga waramay go’aankaasi dhaqan galkiisa.

“Waxaan maanta u imaanay halkani in aan u kuurgalno Degreeto ay soo saartay Wasaaradda ayna ogyihiin Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada,Maaliyadda, iyo ciidamada Booliska qeybta qaabilsan Canshuuraha,taasi oo ahayd in aan wax ka bedelnay qaabkii uu ku imaan jiray qaadka anagoo go’aansanaya in Muqdisho iyo Shabeelooyinka ay yimaadaan 14 Tan maanta ayuuna dhaqangalay, way mahadsanyihiin ganacsatadii amarkaasi qaadatay”, ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Ganacasiga iyo Warshadaha.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale xusay in diyaaradii Khaadka gayn jirtay magaalada Jowhar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo,isagoo xusay in wadatashiyo lala yeeshey ganacsatada Khaadka la isku waafaqay in qoondo loo sameeyo. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ugu baaqay ganacsatada dhamaan in ay dhaqan geliyaan go’aanada ka soo baxay Wasaaradda,islamarkaana xusay in qofkii ka dhaga adeega sharciga lala tiigsanayo

COMMENTS