April 18, 2017 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay
in diyaaradan oo sida raashin gargaar maanta oo
Talaado ah loo diri doono Dhuusa Mareeb.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay
kulan uu xalay la qaatay Wafdiga Ahlusuna ee uu
hoggaaminayay Sheekh Shaakir oo ay goob joog
ka ahaayeen Madaxda maamul goboleedyada.
Wada hadalada u dhaxeeya Galmudug iyo
Ahlusuna ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo
magaalada Muqdisho, iyadoo wada hadaladan ay
garwadeen ka noqon doonto dowladda
Federaalka.
Ahlusuna Wal-jameeca ayaa horay u
saluugsaneyd qaabka wada hadaladan ay
dowladda u agaasimeyso iyo Xildhibaano ay
diidaneyd in wada hadalada lagu soo daro,
kuwaasoo ay ku eedeysay inay qeyb ka ahaa
dagaaladii Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.
Wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa
hadii uu guuleysto, waxaa lagu wadaa in maamul
ay ku mideysan yihiin labada dhinac la dhiso,
iyadoo wixii ka soo baxa shirkan uu go’aamin
doono cida noqoneysa Madaxweynaha
Galmudug.
Maxamed dqacad Muqdisho.
[email protected]

COMMENTS