June 17, 2017 | Posted by admin

Dowladda
Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada
Midoobay in waddanka Soomaaliya laga saaro
wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha
Qaramada Midoobay ee FAO Richard Trichard.
Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay
inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel
uga dhacaysa hay’baddii iyo sharaftii wakiilnimo
ee Soomaaliya.
Warqad ka soo baxday wasaarrada arimaha
dibada Soomaaliya islamarkaana ku soctay
wakiilka QM Soomaaliya iyo hay’adda cuntada
iyo beeraha u qaabilsan UNka ee FOA ayaa lagu
soo gudbiyay cabashada dowladda Soomaaliya
ee la xiriirta Richard Trichard.
‘’Wakiilka waxaa uu la yimid hab dhaqan iyo
aqlaaq aad u liidata taa oo wax u dhintay xiriirka
hay’adda FOA iyo dowladda Soomaaliya ayaa
lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda
arimaha dibada Soomaaliya.
Eedeymaha dowladda Soomaaliya ee ka dhanka
ah Trichard waxaa sidoo kale qeyb ka ah in uu
muujiyay ixtiraam darro iyo hab dhaqan xad
gudub ku ah saraakiil sare oo ka tirsan
dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro.
Dhinaca kale Af-hayeen u hadlay Qaramada
Midobay ayaa VOA u sheegay in ay socdaan
wadahadallo u dhexeeya dawladda iyo madaxda
Qaramada Midoobay oo arrintan lagu xallinayo.
Dowladda Soomaaliya oo warqada soo
saartay13kii bisha June ayaa ku ekeyd maanta
ilaa haddana ma cadda in Mr Richard Trichard
dalka iyo in kale.

Macada Sababaha Rasmiga ah ee wadanka looga ceeriyay Masuulkaan, Hasa yeeshee waxaa la sheegay oo kaliya in shaqada looga Joojiyay anshax xumo uu ku dhaqmay.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS