February 26, 2013 | Posted by admin

Wararka ka’imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wafdigii wasiirada ahaa ee shalay gaaray halkaas maalinkii shalay, iyo maamulka Axmed Madoobe ee halkaas ka arimiya ayaa lasoo sheegayaa ineey isku afgaran la’yihiin habka maamul u samaynta gobolada Jubooyinka, oo maalmahaanba qaban qaabadiisa magaaladaas uu ka socday.

Shalay ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha ee magalada Kismaayo ay gaareen wafdi heer wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuuseen Guuleed ay kulamo garoonka diyaaradaha Kismaayo kula qaateen Axmed madoobe oo ah gudoomiyaha KMG.

Masuuliyiintaan ayaa ujeedka ay utageen Kismaayo lagu micneeyay laba arin oo mid kamid ah ay ahayd hakinta colaadaha maalmihii ugu danbeeyay halkaas kajiray, iyo sidii masuuliyiinta abaabulaya maamulka Jubaland looga dhaadhicin lahaa ineey Muqdisho yimaadaan si ay doowlada ugala hadlaan habka maamulkaas loo unkayo.

Wasiirada ayaa kulan gaar ah la yeeshay Axmed Madoobe oo hada isku haya labo jago, oo midkood uu yahay hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni, kan kalena uu yahay madaxa maamulka KMG ee Kismaayo, waxaana mar shalay Saxaafada ay la hadleen masuuliyiintaasi si wadajir ah ay u sheegeen ineey isku wada afgarteen qodobadii ay kawada hadleen, madaxda Kismaayana ay imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Laakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Axmed Madoobe loo bandhigay inuu yareeyo hamiga uu ku doonayo inuu maamulo gobolo badan uuna ku qanco in loo magacaabo gudoomiyaha gobolka Jubada Hoose, loona sameeyo 3 gudoomiye Ku xigeen, gobolada kale ee Jubada Dhexe iyo Gedo loo sameeyo maamulo gaar gaar ah, marka ay maamuladaas shaqeeyaana laga fikiro habkii loo samayn lahaa mamul goboleed oo isku duubni ka muuqato.

Balse, Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inuu diiday fikirka wafdiga doowlada, uuna shaaciyay in muhiimadiisa ay tahay in 3 gobol ee Jubooyinka iyo Gedo iyagoo mideysan in uu mar uun maamulo, laakiin arintaasi ayaa lasheegay ineey keentay in is afgarad waa uu kusoo dhamaaday shirkii shalay labada dhinac dhex maray, waxaase laysku afgartay in markale lagu wada hadlo magaalada Muqdisho hadiiba ay suuragal tahay.

Mudo dheer ayaa doowlada loogu baaqay in aysan dhayalsan arinta kismaayo oo ay siiso ahmiyad baxad leh, ka qabsashadii Al-shabaabna aysan isku badalin qabsasho cusub.

Dowlada KMG ahayd uu hogaaminayay madaxweynihii geeriyooday C/laahi Yuusuf Axmed ayaa mid kamid ah caqabadihii kahor yimid waxay ahayd fashil nuucaan ah oo kaga yimid Kismaayo oo maamulid la’aanteedana doowlada uga quusatay ineey dhul badan ay si sahlan gacanta ugu dhigto, hadana waxaaba sii dheer in maamulka ka jira Kismaayo aanu ahayn mid ay dowlada magacaawday, kaba sii darane Ciidanka Kenya oo ay farta ku godantahay waxay ula dig iyo dam leeyihiin in la sameeyo maamul iyaga ka amar qaata.

COMMENTS