June 18, 2017 | Posted by admin

Dowladda China ayaa kala hadashay Midowga yurub sidii ay kaga qeyb qaadan laheyd Howlgalka ka hortaga Burcad baddeeda ee Midowga Yurub ay ka wadaan Badda Soomaaliya xilli ay dib ay usoo cusboonaadeen dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah waxa loogu yeero Burcad badeeda Soomaaliyeed ee ka qowleysto Badda Indian Ocean iyo meello ka baxsan.

Taliyaha Ciidamada Xureynta dadka ee China Captain Wang Zhongcai ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay ka hortaga Burcad Badeeda meel walbo oo ay joogaan, si buu yiri loo helo marin badeed ka caagan burcada oo ay iskaga kala gooshaan maraakiibta ganacsiga.

“Waxaan howlgalka Atlanta ku biirineynaa Maraakiib dagaal iyo cutub ka mid ah ciidamada China oo lagu magacaabo Huang Gang  oo aan ogahay in howshooda ay siday tahay kagansoo bixi doonaan” ayuu yiri Captain Wang.

Taliyaha Howlgalka Atlanta  Admiral Rafael Fernández  ayaa dhankiisa sheegay in ay soo dhaweynaayaan waxa uu ku tilmaamay saaxiibka cusub ee kusoo biiray howlgalka uu hogaamiyaha ka yahay ee burcad badeeda looga sifeeynaayo Xeebaha Soomaaliya.

Kulankaan ay wada qaateyn Dowladda China iyo Madaxda Holwgalka Atlanta ayaa waxa uu noqonayaa kulankii labaad oo ay wada qaataan kadib markii ay china kasoo qeyb gashay kulan bilawga sanadkaan lagu  qabtay wadanka Spain.

4.-MEETING-BETWEEN-CTF465-PLA-Navy-ETG-577-FCDRS.-ESPS-GLC-and-CNS577-sailing-623x393 33.-MEETING-BETWEEN-CTF465-PLA-Navy-ETG-577-FCDRS.-FCDRs-623x39332.-MEETING-BETWEEN-CTF465-PLA-Navy-ETG-577-FCDRS.-During-the-ship-tour.-623x39320.-MEETING-BETWEEN-CTF465-PLA-Navy-ETG-577-FCDRS.-PAX-transfer-623x39330.-MEETING-BETWEEN-CTF465-PLA-Navy-ETG-577-FCDRS.-During-the-discussion-623x393

COMMENTS