April 26, 2017 | Posted by admin

Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan 10 Milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxa ay ku wareejisay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Lacagtaan ayaa loogu tala galay in lagu iibiyo Cuntooyin iyo sidoo kale dawooyin loogu tala dadka dhibaateysan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo hortagga Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa u mahadcelisay dowladda Shiinaha oo lacagtaan ku wareejisay Hay’adda WFP.

 

Waxa ay sheegtay in lacagtaan lagu soo gadi doono waxyaabo muhiim u ah dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Maryan Qaasim Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in Hay’adda WFP ay doonayso in ay diwaan geliso Shan boqol kun oo qoys oo ,kuwaa soo la doonaayo in la siiyo Karaar si bil kaste loogu shubo boqol dollar.

Dhankale Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya n ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan gurmadka ay siinayaan dadka Soomaaliyeed.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS