January 19, 2017 | Posted by admin

Dowladda Sacuudiga ayaa waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya ka taageereyso arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha Doorashooyinka.

Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga, ayaa si kooban u sheegay in goor dhow la arki doono howlo badan oo Dowladda Sacuudiga ka fuliso Soomaaliya, taas oo kor u sii qaadeysa xiriirka dheer ee taarikhiga ah oo labada dalba ay wadaaggaan.

Sidoo kale Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga, ayaa sheegay in Sacuudiga uu daneynayo ka qeyb-galka horumarka Soomaaliya ka bilowdey oo dhan walba leh.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in Sacuudiga uu doonayo in uu gacan weyn ka geysto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, ganacsiga iyo in amniga laga caawiyo Soomaaliya xiligan.

Soomaaliya waxa ay guul la taaban karo ka gaartay xiriirka dibedda oo afartii sanno ee la soo dhaafey gaaray heer sare.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat oo ah Danjiraha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga u soo magcowdey Soomaaliya.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS