August 20, 2016 | Posted by daacad yare

Dowladda Rwanda ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalyahano lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo shalay lagu dilay dalka Rwanda.

Booliska dalka Rwanda ayaa sheegay in ay dileen saddex xubnood ka tirsan Al-Shabaab , kuwaa soo la sheegay in ay qorshaynaayeen in ay weeraro ka geystaan  magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda.

Dowladda Rwanda ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigtay xubno kale oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Degmada Rusizi oo ay dhacdaan  ka dhacday ayaa ciidanka Booliska waxa ay sheegeen in ay ka war heleen xubno lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo goobta isku aruursanaaya ka dibna iska hor imaad kooban oo dhex maray ciidanka Booliska iyo sidoo kale kooxaha la dilay in ay suurta gashay in ay toogtaan ciidanka Booliska.

Sano Nkeramugaba oo ah taliyaha qeybta booliska degmada Rusizi ayaa sheegay in kooxaha dilka loo geystay ay weerar damacsanaayeen , laakiin ay ka hortageen.

Dowladda waxay sheegtay in magaalooyinka kala duwan ee dalka Rwanda ciidanka ammaanka heegan buuxa la geliyay si ay uga hortagaan weeraro ay geystaan Al-Shabaab.

COMMENTS