October 26, 2016 | Posted by admin
War qoraal ah oo ka soo baxay wasarrada arrimha dibada dowladda masar ayaa si xoogan loogu canbaareeyay weerarkii xaradaka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig milateri oo taabacsan ciidamada nabad ilaalinta midowga afika ee Amisom eyku lahaayeen magaalda beledweyne   ee gobolka Hiran.
Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda masar waxaa sidoo kale lagu sheegay  in dowladda masar, ay garab taagan tahay shacabka soomalaiyeed xukuumadda federaalka  ,oo ay u muujineyso bar-bar istaagteeda ku aadan ka hortaga waxa loogu yeeray argagixisada.
Bayaankaan waxaa lagu xusay in  ficilda weerarada nuucaasi oo kale ay xanibad  weyn ka saareen busldha soomaliyeed dhinacyo badan  oo ay kamid yihiin dhismaha hay’adaha  dowladda iyo xaqiijinta xasiloonida dalka.
si taasi lamid ah, waxaa cambaareeyni ka soo yeertay dowlada qatar oo iyadoo lagu tilmaamay weeraradii ay dagaalamayaal ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ay ku qaadeen hoteel ku yaala magaalada mandeera ee kenya iyo saldhiga milateriga ciidanka jabuuti ee baladweyne  beledweyne mid bahalimo ah.
War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada dowlada qatar ayaa lagu sheegay in qatar ay si kulul u nacbaareyneyso  weerarkii ay Al-shababa la beegsadeen  hoteel ku yaala magaalda mandheera waqooyi bari kenya kaasoo  ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.
bayaanka waasaradda arrimaha dibada  qatar waxaa lagu sheegay in la canbaareynayo  falalka danbiyada ujeedadoodu tahay argagax gelinta  rayidka aan waxba-galabsan, iyadoona ay dowadda qatar cusboneysiineyso  mowqfkeeda ay ku diidan tahay wax kasta oo ku saleysan rabshadaha ka dhanka ah shacabka soomaaliyeed.
 Bayaanka waxaa sidoo kale  tacsi loogu diray  shacuubta dallaka  kenya iyo somaliya  iyo qoysaskii dhibanayaashii wax ku noqday fal danbiyeedka dhacay sida lagu sheegay bayaanka wasaraadda arrimaha dibada dowladda qatar.
Dhinaca kale dowlada maraykanka ayaa cambaaraysay weerarkii shalay lagu qaaday magaalada beledwayne gobalka Hiiraan.
COMMENTS