June 14, 2017 | Posted by admin

Isbahaysiga tallada haya ee dalka Norway, ayaa soo jeediyay qorshe lagu mamnuucayo Niqaabka ama in dumarka ay wajiga dabooshaan marka ay joogaan goobaha waxbashada ee dalka oo dhan.

Dowladda ayaa waxaa ay arrintaasi u sababeysay in ay cabaqad ku tahay xiriirka.

Mas’uuliyiinta ayaa ballan qaaday mamnuucidda Niqaabka sanadkii la soo dhaafay.

“Ma dooneyno in dhar lagu daboosho wajiga marka la joogo goobaha caafimaadka, iskuuladda iyo Jaamacadaha”, sidaasi waxaa yiri wasiirka waxbarashada iyo cilmibaarista dalkaasi Torbjorn Roe Isaksen.

Bishii lasoo dhaafay Baarlamaanka dalka Norway ayaa meelmariyay hindise mamnuucaya in gabdhaha Muslimiinta ay xirtaan wajiga inta ay dalkaasi joogaan.

Dowladdaha France, Netherlands, Belgium, Bulgaria, iyo Germany, ayaa horay uga mamnuucay gabdhaha Musliinta ee dalalkaasi ku nool in ay Niqaabka ama Indha-shareer xirtaan, waxaana dalkani uu ku biirayaa Dalalka horay u mamnuucay indha-shareerka.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS