July 11, 2014 | Posted by admin


Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka ee Afrika, Linda Thomas-Greenfield ayaa shir jaraa’id ku sheegtay in Dowlada Mareynkanka ka caawinayso Kenya la-dagaalanka Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegtay inay weerarro is-daba-joog ah ka geysteen Kenya.

“Waxaan rajeynayaa inaan Kenya kala shaqeyn karno sidii xaaladda amni ee dalkooda loo adkeyn lahaa. Waxaana rajeynaynaa in Keenyaanku ay iyaguna gacan ka geysn doonaan la-dagaalanka argagxisada, waayo argagaxiso waa kuwo saameyn xooggan ku yeeshay shacabka Kenya,” ayay tiri Greenfield.

Sidoo kale, waxay sheegtay in dhimidda shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Kenya ay tahay mid KMG ah, taasoo sababtay xaaladaha ammaan ee ka jira dalka, taasoo aan doonayno bay tiri inaan diiradda saarno.
“Waxaan la leennahay iskaashi xoog leh hay’adaha Kenya eek u howlan la-dagaalanka argagaxisada, waayo dhibaatada Kenya ka dhacaysa waa kuwo ku baahay Kenya oo dhan bilihii lasoo dhaafay,” ayay hadalkeeda raacisay.

Kaaliyuhu waxay walaac ka muujisay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qabqanayaan Soomaalida ku nool magaalooyinka waaweyn oo Nairobi ay ka mid tahay, kuwaasoo qaarkood lagu celiyay xeryaha qoxootiga kuwo kalena loo musaafuriyay Soomaaliya.

“Kenya waxay u ogolaataan marti-gelin dadka kasoo cararaya cadaadisyada ay kala kulmayaan dallakooda,” ayay hadalkeeda ku dartay, iyadoo xustay in xukuumaddeedu ay ka xun tahay howlgallada lagu beegsanayo Soomaalida.

Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weeradada uu ka geysanayaan gudaha dalka Kenya,iyagoo jawaab kaga dhigaya soo gelitaanka Ciidamada Kenya Soomaaliya.

COMMENTS