June 23, 2017 | Posted by admin

Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay VOA in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Abuu Mansoor ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay inuu xurguf ay soo kala dhex gashay Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, kaddib markii ay dhowr arrimood isku qabteen oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsanaa Ururkaas oo la khaarijiyay, taas ayaana sabab u aheyd inuu gooni uga baxo Kooxda, isagoo sanado ku dhuumaaleysanayay miyiga Gobolada Baay iyo Bakool.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.

 

COMMENTS