August 22, 2016 | Posted by daacad yare

War kooban oo ka soo baxay dowlada maraykanka ayaa waxaa lagu cambaareeyay weeraradii is qarxinta ahaa ee shalay lagu qaaday goob ay deganaayeen ciidamada dowlada hoose ee maamulka puntland.

Dowlada maraykanka waxa ay sheegtay in ay ka xun yihiin dhacdooyinkii ka dhacay galkacayo waxa ayna sheegeen in ay ka dambeeyeen alshabaab.

Xili kasta waxaan garab taaganahay soomaaliya waxaana la qayb saneenaa dhibaatooyinka ay geestaan argagixisada ayaa la gu yiri hadalka cambaaraynta ah ee ka soo baxay maraykanka.

Waxa ayna sidoo kale ka hadleen tiro madaafiic ah oo shalay ku dhacday magaalada muqdisho kuwaas oo geestay qasaarooyin kala duwan.

COMMENTS