December 12, 2012 | Posted by admin


Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in Lix boqol oo qof loo qabtay Weeraradii Bambaano ee ka dhacay Nairobi.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa gudoomiyaha gobolka Nairobi waxa uu sheegay in Labadii weerar ee ugu dambeeyay ee ka dhacay Nairobi loo qabtay ilaa Lix Boqol oo qof, kuwaas oo qaarkood loo heysto in ay ka dambeeyeen Qaraxyadaasi, halka kuwa kalena ay yihiin dad heyta kaararka Qaxootiga oo dib loogu celindoono xeryaha Qaxootiga.

Gudoomiyaha gobolka Nairobi ee dalka Kenya ayaa xusay in ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyay magaalada Nairobi, si ay wax uga qabtaan amaandarida iyo qaraxyada ka dhacaya xaafado ka mid ah Nairobi.

Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa qabtay Lix qofood oo watay Bambaanooyin iyo walxa qarxa kuwaas oo sida la sheegay doonayay in ay geliyaan gudaha dalka Kenya, waxeyna ciidamadu tilmaameen in ay wateen gaari yar hadana la geeyay xeryooyinka Qaxootiga Dhadhaab halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

COMMENTS