April 27, 2016 | Posted by admin

Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigantahay weeraro ay Al-shabaab ka geystaan goobaha loo dalxiis tago ee dalka Kenya.

Madaxda Kenya waxa ay shaaca ka qaadeen in ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo lagu daad gureynta doono goobaha dalxiiska dalka Kenya si looga hortago weeraro la sheegay in ay Al-shabaab damacsan yihiin

Waaxda dalxiiska Kenya ayaa warbaahinta u sheegtay in ay adkeyn doonaan Ammaanka dalxiisayaasha ku sugan dalka Kenya oo inta badan ka soo jeeda dowladda Shiinaha.

Dalxiiska oo ah waaxda labaad ee ugu weyn wadanka Kenya ayna dhaqaalo badan ka soo galaan Kenya, waxaa la sheegay 25% uu hoos u dhacay kadib markii qeybo ka mid ah Dalkaasi ay ka dhaceen Weeraro ay sheegteen Al Shabaab.

23 bishaan April ayey aheyd markii dowladda kenya ay walaac ka muujisay ammaanka goobaha dalxiiska ee dalka Kenya.

COMMENTS