July 30, 2016 | Posted by daacad yare

Wasiirada Arimaha Dibadda ee dalka Kenya, Aamina Maxamed ayaa QM u sheegtay in loo baahan yahay in beesha caalamku sii waddo bixinta qarashaadka AMISOM hadii gobolka laga doonayo nabad waarta.

Khamiistii khudbad ay ka jeedisay xarunta QM ee New York ayaa Amina ku sheegtay in yareyntii uu midowga Yurub uu dhawaan yareeyay qarashkii uu siin jiray AMISOM ay liddi ku tahay xasilinta qaarada Afrika.

“Waxaa muhiim ah inaanu sii wadno qarash siinta AMISOM iyo dadaalada kale ee nabadda ee Afrika sababtoo ah wixii qarash dhimid ah ma waafaqsana ujeedka ah ku guuleysashada nabadda qaarada,”  yay tiri.

“Waxaan rajeynayaa in arintaani soo jiidan doonto dareenka golaha ammaanka ee QM,” intaa ayayna raacisay.

Midowga Yurub ayaa sanadkaan bilowgiisii dhimay qarashkii uu siin jiray AMISOM.

COMMENTS